Baydhabo(BKG)-Waxaa Magaalada Baydhabo ka furmay Shirka Wadatashiga Hiigsiga-Qaran ee Dhaqaalaha Sanadka 2060, kaas oo ay ka soo qeyb-galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad gobeleedka Koonfur galbeed iyo Gudiga Dhaqalaha Dowlada Dhexe.
Shirkaan oo ay soo qaban qaabiyeen Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ayaa mudada uu socdo waxaa lagu xoojin donaan Kobcinta Dhaqaalaha Dalka iyo Sidii loo Balaarin lahaa.
Waxaa looga hadlay Hiigsiga Dhaqaalaha Soomaaliya ee Sanadka 20260-ka, waxayna Mas’uuliyiinta ka qeyb-gashay Dhamaantood soo bandhigeen Fikiradahooda ku aadan kobcinta Dhaqaalaha Dalka.
Masuuliyiinta kala duwan ee Koonfur Galbeed oo Gudiga kusoo dhaweeyay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay ku Faraxsan yihiin in Deegaanada Koonfur Galbeed lagu daahfuray Shirka Wadatashiga Hiigsiiga Qaran ee Dhaqaalaha 2060-ka.
Dhankooda Gudiga Dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya ayaa ka mahadceliyey Soo dhoweynta diiran ee loo sameeyey, iyagoona ku dheeraaday Muhiimada shira uu leeyahay.
Sidoo kale Lataliyaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee dhinaca Dhaqaalaha Xasan Aadan Hoosow oo furitaanka Shirka ka hadlay ayaa sheegay in ay ku hawlan yihiin sidii Hiigsiga Dhaqaalaha Qaran ee Sanadka 2060 loo xoojin lahaa.
Dhanka kale Gudiga ayaa sheegay in shirkaan lagu daahfuray Baydhabo ee Xarun ku meel gaar u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed sidoo kale loo gudbin doono Dowlad Goboleed-yada kale ee Dalka.
Mid ah Gudiga Dhaqaalaha Qaranka ayaa Warbaahinta la hadlay isgoona sheegay U jeedada shirka in ay tahay Kobcinta Dhaqaalaha Dowliga ah.
Shirkaan ayaa ah mid looga tashanaayo Hiigsiga Dhaqaalaha Qaran ee Sanadka 2060, Gudigan ayaa dhowaan waxaa magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Codkakoonfurgalbeed.com