Baydhabo (CKG)- Wasiir ku xigeenka Wasaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha KGS Mudane Hon Mohamed Hussein Adawe ayaa saaka ka qeyb galey shir looga hadlaayey arrimaha xasilinta ee wajigiisa labaad dhowaan bilaaban doono.
Shirka ayaa Waxaa hogaaminaayey Ergeyga Madaxweyne DFS ee Arrimaha Xasilinta Mudane Mohamed Abdi Waare , waxaana kaso qeyb galey 13 Wasaradood oo ay Hogaamineyso Wasaaradda Arrinaha Gudaha, Federalenya iyo Dib-U-Heshiisinta KGS.
Wasiirka ku xigeenka Wasaradda ayaa ka jeediyey shirka howlaha Shaqo ee ay wasaaraddo Rajeyneyso iney fuliso Deeganada KGS xasilinta kadib.