Home » Shir looga hadlaayay Qoondada haweenka oo ka dhacay magaalada Baydhabo(SAWIRRO)

Shir looga hadlaayay Qoondada haweenka oo ka dhacay magaalada Baydhabo(SAWIRRO)

by Weriye Ateera
BAYDHABO(CKG)Wafdiga Xildhibaanada Haweenka Heer Federaal ee labada Aqal oo booqanaya magaalada Baidoa si loo ilaaliyo Xaqiijinta Qoondada Haweenka ayaa ka qeybgalay Shirka todobaadlaha ee Hayadaha Samafalka ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS).
Xildhibaan Faisa Jeyte iyo Senator Fartuun Karaama ayaa shirka ka sheegay maadaama Dastuurka furan yahay in aay muhiim tahay ilaalinta Qoondada Haweenka 30% Dastuurka Soomaaliya siiyey Haweenka.
Wasiirka Arrimaha Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka KGS Mudane Cabdinaasir Cabdi Caruush ayaa u ballanqaaday Xildhibaanada in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay u taagan tahay difaaca Qoondada Haweenka.
Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com