Home » Shir looga hadlaayay mareynta biyaha oo Baydhabo ka furmay(SAWIRRO)

Shir looga hadlaayay mareynta biyaha oo Baydhabo ka furmay(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)– Degmada Baydhabo waxaa maanta ka furmay shir iyo aqoon iswaydaarsi socon doona sedex maalmood, si wada jir ahna ay usoo wada qaban qaabiyeen wasaarada biyaha iyo Wash Cluster Somalia, waxaana diirada lagu saari doona soo bandhigista xeerarka siyaadda maareynta biyaha, si gaar ah waliba tan magaalada Baydhabo oo markasta xaaladeedu taagan tahay siiba tan qoysaska barakacayaasha ah.

Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen, wasaaradaha caafimaadka, shirkadaha adeega biyaha bixiya ee caafi iyo warjinaay, in-jineero iyo khuburo ka socda hay’adaha dhanka biyaha ka shaqeeya, maamulka degmada Baydhabo ayaa waxaa ugu horeyn daah furay Wasiir ku xigeenka wasaaradda ahna ku simaha wasiirka mudane Cabdullaahi Isaaq Macalin iyo sidoo kale duqa degmada Baydhabo Mudane Cabdullaahi Cali “Watiin” oo labadu ku dheeraaday ahmiyada kulankaani leeyahay iyo sida ay lagama maar-maanka u tahay in mirro fiicani kasoo baxaan.

Shirkaani ayaa xooggiisa lagu saari doonaa sidii biyo nadiif ah u heli lahayeen barkacyaasha ku jira kaamamka degmada Baydhabo.

Dhinaca kale shirkadaha ka shaqeeya biya sida warjiraan , ayaa maamulka degmada Baydhabo ka codsatay in ay kaalinteeda ay ka qaadato biyo gaarsiinta goobaha barkacyaash.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com