Home » Shir looga hadlaayay arimaha gar gaarka oo lagu qabtay magaalada Baydhabo(SAWIRRO)

Shir looga hadlaayay arimaha gar gaarka oo lagu qabtay magaalada Baydhabo(SAWIRRO)

by Weriye Ateera
Baydhabo(CKG)-Agaasimaha Guud Wasaarada Qorsheynta Dowlada Koonfur galbeed Mudane Yakub Isak Hussein ayaa ka qeyb galay Shir wadatashi ah kaa oo u dhaxeeyey wasaaradaha wada shaqeynta la leh hey’ada Unicef, Madax ka socotay hey’ada Unicef iyo qaar ka mid ah hey’adaha gaar ka loo leeyahay.
Shirka inta uu socday ayaa looga wada hadlay arimo ay ka mid ahaayeen sidii looga hortagi lahaa leexsashada gargaarka loogu tala galay dadka nugul, sidii loo hubin lahaa in adeegyada aas aasiga ah la wada gaarsiiyo bulshada iyada oon Cidna laga Tagin, iyo isku dheeli tirka mashaariicda si ay isku dhamays tiraan.
shirkaan ayaa waxaa lagu xoojinaayay sidii looga hortagi lahaa dadka iibiya waxyaabaha loo siinaayo gar gaarka taasi oo si xoog leh ugu jiraan magaalooyinka ay ku badan yihiin dadka barkacyaasha ah si gaar ah gobolada Baay iyo Bakool.
Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com