XUDUR(CKG)-Shirka Todobaadlaha ee Amniga Guud Ee Degmadda Xudur looga hadlo ayaa ka dhacay Saldhiga Booliska Degmada Xudur, waxana shirka ka soo qeybgaley taliyaasha ciidamada, laamaha amniga iyo Gudoomiyaasha Xaafadaha Magaalada Xudur.
Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Xudur labo Xidiglle Aadan Wardhere Sh Mukhtar ayaa shir gudoominaayey waxaana looga hadlay adkeynta amniga iyo la socodka gaadiidka iyo wax kasta lid ku ah amniga .
Taliyaha Saldhiga Booliska ayaa Xaafadaha ugu Mahadceliyey sida wanaagsan ay ula shaqeeyaan laamaha amniga muuujinaan dedaal badan lana soo wadaagaan cid kasta amni xumo keentay si wax uga qabtaan.
Codkakoonfurgalbeed.com