Home » Shir looga hadlaayay Amniga oo lagu qabtay degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Shir looga hadlaayay Amniga oo lagu qabtay degmada Waajid ee gobolka Bakool.

by Weriye Ateera

Waajid(CKG)-Guddoomiyaha Degmada Waajid Ahna Duqa Magalada Mudane Mohamed Moallim Yusuf ayaa Gudoomiyey shirka Todobaadlaha Amniga Degmada Waajid oo ay ka qeybgaleen Guddomiye Ku Xigeenka Mukhtar Ahmed Awdhere Taliyaasha Ciidamada Milateriga, Booliska, Nabad Sugida Odeyaasha Dhaqanka iyo Saaxibada Soomaaliya ee Itoobiya.

Shirka waxaa Diirada lagu saaray Xoojinta Amniga Magaalada ka Hortaga Falalka Argigixisada ay ku dhibaateyaan Shacabka iyo Xoojinta nabad geliyada Magaalada.

kulankaan Amniga looga hadlaayay ayaa waxaa hadalo laga dhageystay dhamaan taliyaasha iyo saraakiisha ka soo qeyb galay ayadoona taliyaasha lagu faray in ay sii laba jibaraan Amniga degmada.

Degmada Waajid oo ay ku sugan yihiin barkacyaal aad u badan ayaa shirka lagu sheegay in xoogga la saaro kaamamka iyo dadku soo laabanaya degmada kuwaasi oo looga shakisan yihiin in ay ku jiraan rag ka tirsan kooxda Al-shabaab.


Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com