Home Ā» Shir looga hadlaayay amniga oo lagu qabtay degmada Baraawe.

Shir looga hadlaayay amniga oo lagu qabtay degmada Baraawe.

by Weriye Ateera

BARAAWE(CKG)-Wasiirka wasaaradda amniga gudaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed soomaaliya MudaneĀ  Xasan Cabdukaadir Maxamed oo safar shaqo ah ku jooga caasimadda KG Baraawe ayaa Waxaa uu shir guddoomiye shirka amniga degmada iyo Deegaanada kale ee ka tirsan.

Shirka ayaa Waxaa ka soo qeyb galay ciidamada SNA, daraawiishka kg, nabad Sugidda iyo saraakiil ka socotay ciidamada AT MID qaar kamid ah Bulshada degmada.

Wasiirka ayaa saraakiisha ciidamada ka dhageystay warbixino ku aadan amniga guud ee degmada waxay shegeen in amniga degmada uu hagaagsan yahay wada shaqeyn fiicana kala dhaxeyso ciidamada iyo Bulshada degmada.

Intaasi kadib Wasiirka mas’uulinta degmada waxay booqdeen Isbitaanka degmada oo ay jiifaan dad badan oo soo ridtay cudurka shuban biyoodka.

Mudane Cumar Sheekh Cabdi (SHAFAANI) guddoomiyaha maamulka degmada Baraawe ayaa ugu dambeyntii ka warbixiyay safarka Wasiirka iyo waxyaabihii ka soo baxay shrika.

Shirkii maanka ka dhacay degmada oo Wasiirka amniga qeyb ka ahaa ayaa Waxaa looga hadlay amniga guud ee degmada iyo Deegaanada ka tirsan kaasi oo lagu soo bandhigay sida loo xoojin karo amniga iyo wada shaqaynta Bulshada iyo ciidamada”

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright Ā© 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com