Home » Shir ku saabsan la dagaallanka burcadda, Ciyaal weerada iyo xoojinta Amniga oo lagu qabtay Muqdisho

Shir ku saabsan la dagaallanka burcadda, Ciyaal weerada iyo xoojinta Amniga oo lagu qabtay Muqdisho

by CKG Editor

Muqdisho (CKG) – Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyay kulanka Todobaadlaha ee Shirka Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).

Kulankan oo intiisa ugu badan ahaa mid islaxisaabtan shaqo ayaa diiradda lagu saaray in Guddoomiye kaste lagula xisaabtami doono mas’uuliyada uu bulshada u hayo, gaar ahaan Sugidda Amniga, Diiwaangalinta Guryaha iyo dadweynaha ku nool, Bilicda, Daqliga, la dagaallanka Kooxaha burcadka iyo Ciyaal weerada, Ciribtirka Maandooriyaha iyo fulinta Barnaamijka Garanwaa.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com