Home » Sharciga shaqaalaha ra’idka KGS oo Baydhabo lagu daahfurey(SAWIRRO)

Sharciga shaqaalaha ra’idka KGS oo Baydhabo lagu daahfurey(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Daahfurka sharciga shaqaalaha ra’idka iyo kan guddiga shaqaalaha ra’idka KGS ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaasi oo 2018 ay meel mariyeen Baarlamaanka KGS.

Daahfurka ayaa waxaa lagu marti qaadey wasiirada shaqaalaha ra’idka, arimaha bulshada, gudoomiyaha guddiga shaqaalaha ra’idka, gudoomiyaha gobolka Baay iyo ururada bulshada ra’idka magaalada Baydhabo.

Qaar kamid masuulintii ka soo qeyb qashay iyo marti sharaftii ayaa ka hadlay muhiimadda uu u leeyahay sharcigaan shaqaalaha dowladda.

Waxay shegeen in muhiin yahay in sharci kasta la meel mariyo, waana si sharci ah loogu shaqeeyo madaama waxa ay yihiin wax bulsho ka dhaxeeyo.

Aadan shaati uu ah gudoomiyaha dhalinyarada gobolka Baay ayaa tilmaamay in goob-joog ay ka ahadaan ka dhalinyaro si ay bulshada ay u gaarsiyaan ina turjumaan muhiimadda uu leeyahay sharcigaani.

Gudoomiyaha gobolka Baay Mudane Cabdifitaax Biyaano oo ku hadlaayay afka dhamaan gudoomiyaaha degmooyinka KGS ayaa balan qaadey in ay gaarsiin doonaan sharcigaan bulshadaasi madaama sharcigaan muhiim u yahay bulshada ra’idka.

Gudoomiyaha guddiga shaqaalaha ra’idka KGS mudane Sharmaake Cali kuulow ayaa ka hadlay xaquuqda ee leeyahay shaqaalaha ra’idka.

Gudoomiye Sharmaake ayaa sheegey in Website gaar uu leeyahay guddiga halkaasi oo qof kasta ka fiirin karaha warbixinada arimaha guddiga.Cabduqaadir Cumar wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada KGS ayaa shaqaalaha ra’idka KG ku amaanay shaqada iyo dadaalada dheer ay ku bixiyeen in la meel mariyo sharicigaani.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com