Home » Shacabka degmada Waajid oo looga baaqay in aysan degi Karin dhulalka dowladda(SAWIRRO)

Shacabka degmada Waajid oo looga baaqay in aysan degi Karin dhulalka dowladda(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Waajid(CKG)-Masuuliyiin uu horkacayo Guddoomiyaha degmada Waajid ahna duqa magaalada Maxamed Macalin Yuusuf ay qeyb ka yihiin Saraakiisha hay’addaha Amniga iyo Odeyaasha Dhaqanka Degmada ayaa iyagoo ka jawaabaya is qab qabsiga Dhulka ayaa waxay kormereen ilaa 12 Wado oo hal bowle u ah Degmada Waajid kuwaasi oo ka mas’uul ah dowladda hoose

Kormeerka Mas’uuliyiinta ayaa ku qotoma sidii Sharci Dowladeed loogu saari lahaa is qab qabsiga Dhulka waxayna, xariiqeen Goobo loo Qorsheeyey inay tahay Dhul Dowladeed oo aan la dhisan karin.

Odiyaashii ka socotay qeybaha kale ee bulshada iyo laamaha amniga ayaa go’aamiyay in ayadoon la Soo marin dowladda hoose iyo laamaha amniga la dhisan Karin ama la iibsan Karin dhulalka ku Soo dhow goobaha danta guud.

Maamulka ayaa sheegay in is qabqabsiga dhulalka ay ka dhalan karaan dhibaatooyin badan oo maamulka iyo bulshada dhaxdooda ah SI taasi looga hortago ayaa sheegay in loo baahan yahay SI sharci ah in loo Soo maro dhulalka.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com