Home » Senator Cabdiweli Xaabsade oo si weyn uga soo horjeestay In ciidamada Itoobiya Dalka ka baxaan

Senator Cabdiweli Xaabsade oo si weyn uga soo horjeestay In ciidamada Itoobiya Dalka ka baxaan

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Cabdiweli Ibrahim Xaabsade oo ah Senator ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee Dalka ayaa si weyn uga soo horjeestay in Ciidamada Itoobiya ee Qeybta ka ah howgalka ATMIS ee Soomaaliya laga saaro Gobolada ay Dalka kaga sugan yihiin.

Si gaar ah ayuu Senator-ka u soo hadal qaaday Degmooyinka ka tirsan Koonfur Galbeed gaar ahaan Gobolka baay sida Buur-Hakaba Berdaale Qansaxdheere iyo Degmooyin kale, isagoo Go’aankaas ku tilmaamay mid aan laga fiirsan oo lagu degdegay.

Sidoo kale Go’aankaas ayuu sheegay Cabdiweli Xaabsade in Qorshahas loogu daneynaayo Kooxda Al-Shabaab oo Dowladu ay kula jirto Dagaal Adag.

Dhanka kale Senator Cabdiweli ayaa ka hadlay sida uu noqonaayo amaanka Deegaanada Koonfur Galbeed ee ay ku sugan yihiin Itoobiya hadii Dalka laga saaro.

Waxaa uu soo hadal qaaday danta laga leeyahay Qorshahaha ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya.

Ugu danbeyntii qorshahan ayuu ku shegay mid gebi ahaanba lagu diidan yahay Horumarada Deegaanada iyo Degmooyinka Gobolada Koonfur Galbeed.

Hadalka Senatorka ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee Deegaan ahaana ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhowaan Lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee Amniga uu sheegay in Dalka goobaha ay kaga sugan yihiin laga saari doono Ciidamada Dowlada Federaalka Itoobiya ee Qeybta ka ah Howgalka ATMIS.

Sidaas oo kale Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa dhankeeda so weyn uga soo horjeestay Qorshaha Villa Somalia ay wado taa bedelkeed Koonfur Galbeed waxay amaantay una mahadcelisay Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Degmooyinka qaar ee Koonfur Galbeed.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com