Baydhabo (CKG) – Cabaas C/raxmaan Cali waa wiil da’yar ah oo ku nool magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, Cabaas C/raxmaan waxaa uu dhigtaa mid kamid ah iskuulada ku yaala magaalada Baydhabo.
Inkastoo wiil da’yar uu yahay Cabaas C/raxmaan haddana wuxuu jeceyl yahay fursadihiisa in uu kaga fa’ideysto sameynta guryo, gaadiid, garoomaha ciyaaraha iyo wax yaabo kale.
Dhamaan wax yaabaha uu sameeyo Cabaas wuxuu u adeegsadaa kartoomo lisku xir-xiray kadibna lagu hardhay noocyada kala duwan ee rinjiga.
Cabaas oo dhawaan soo bandhigay waxyaabaha uu sameeyay ayaa si weyn ah u hadal hayaan warbaahinta Magaalada Baydhabo, madaama badanaa aan lagu arkin carruurta hibadaan oo kale.
Cabaas C/raxmaan farsamadaan barashadeeda uma fadhiisan fasal lagu barto maadada Engneering tani waa hibo alle ku maneystay.
Ugu dambeyntii Cabaas ayaa codsiyo u diray maamulada KGS, maamulka degmada Baydhabo iyo wasaaradda waxbarashada KGS in lagu tageero farsamadiisa iyo in uu ka dhabeeyo riyadiisa oo ah in uu farsamadiisa ku horumarinyo degaanada KGS iyo shacabkiisa.
XIGASHO SAWIRADA: Hubaal Broadcasting.
CodkaKoonfurGalbeed.com