Home » Sarkaal ka tirsan hay’adda NISA oo lagu dilay magaalada Marka ee G/Sh/Hoose

Sarkaal ka tirsan hay’adda NISA oo lagu dilay magaalada Marka ee G/Sh/Hoose

by CKG Editor

Marka (CKG) – Sarkaal ka tirsan ciidamada hay’adda NISA ayaa lagu soo warramayaa in xalay qarax lagu dilay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxan ayaa aad looga maqlay guud ahaan xaafadaha magaalada Marka. Sarkaalkan oo lagu dilay qarax loogu xiray gaarigiisa ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Cusmaan Cali Biitooni.

Sarkaalkan ayaa la dhashay guddoomiyihii hore ee degmada Marka Maxamed Cusmaan Cali (Yariisow).

Qaraxa lagu dilay sarkaalkan ayaa ka dhacay xilli uu gaari uu watay marayay xaafadda horseed ee magaalada Marka, iyadoo sidoo kale qaraxa ay ku dhaawacmeen 3 ka mid ah ilaaladiisa.

Weli wax war ah kama aysan soo saarin laamaha amniga iyo maamulka magaalada Marka qaraxa lagu dilay Sarkaalka ka tirsanaa ciidamada NISA oo aad looga yaqiinay magaaladaasi.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com