Baydhabo(CKG)-Sarifku ama kala bedelidda lacagaha waa qeyb ka mid ah Ganacsiga kolka aad Gudaha u gasho Suuqa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaad Durbadiiba indhahaagu qabanayaan Lacagta Shilin Soomaaliga oo saran Miisaska, iyo Dad dultaagan oo doonaya in ay wax ka Sariftaan.
Xaaladu hadase sidii horre way ka duwan tahay waa dhif iyo Naadir inaad aragto Dadkii Faraha badnaa iyo Lacagihii lakala bedelan jirey badi hada ma arkaysid taasi bedelkeed waxaa Sarafliyaashu ay sheegeen in Dadku ay la yimaadaan EVC ama eDAHAB oo ay jirto Daneyn la’aan Lacagta Shilin Soomaaliga ah.
Sarafliyaasha Magaalada Baydhabo oo Warbaahinta Codka Baay iyo Bakool uga warbixyey Dhaqdhaqaaqa haataan ka jira suuqa Sariflaha ayaa sheegay in hada Sarifku uu degan yahay, oo waxba aysan kala socon iyagoona u sababeeyey Dadkii xoolaha iska gadi jirey oo yaraaday iyo Lacagta Shilinka Soomaaliga oo go’ go’aday.
Mid ka mid ah Sarfleyda Baydhabo oo Lagu Magacaabo Shuceyb ayaa sidoo kale sheegay in Lacagta Doolarka uu Sicir barar ka jiro, waxaana uu intaasi ku daray in Waqtiyaadan oo kale Sarifka Lacagta shilin Soomaaliga uu Sara ukac ku yimaado sababtana uu ku sheegay Diyaargarowga Ciidda Carafada, balse hada aysan Jirin.
Dhinaca kale shuceyb oo hadalkiisa sii wata ayaa soo dhoweeyey in Dib loo daabaco lacagta Shilin Soomaaliga ah, waxaa uuna Madaxda Soomaaliyeed ugu baaqay in il gooni ah lagu fiiriyo Shilinka Soomaaliga si Dhalinyarada Soomaaliyeed shaqa abuur ugu noqoto.
Lacagta Shilinka Soomaaliga ayaa haataan ah mid sii dabar go’aysa oo Dhamaad ah Dowlada Soomaaliya ayaa Goor sii horeysay sheegtay in dib u habeyn lagu Sameyn doono Shilinka Soomaaliga.
Codkakoonfurgalbeed.com