Home » Saraakiisha Dowladda Oo Sheegay In Howlgal Ku Soo Qabteen Xubno Muhiim Ah Oo Katirsan Al Shabaab

Saraakiisha Dowladda Oo Sheegay In Howlgal Ku Soo Qabteen Xubno Muhiim Ah Oo Katirsan Al Shabaab

by Mohamed Adam Socdaal

Ceeldheer (CKG)– Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ee ku sugan Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa saacadihii la soo dhaafay sameeyay howlgallo xoogan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab.

Howlgallada ayaa Ciidamada sigaar ah uga sameeyeen degaannada Hul-caduur iyo Xalaneey oo hoostaga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, waxaana lagu soo qabtay Saraakiil katirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee degmada Ceeldheer ayaa sheegay in howlgalka lagu qabtay Saraakiisha kala ah Shire Cabdi Maxamed,Cali Abgaaloow iyo Maxamuud Calasoow kuwaas oo lacago Al=Shabaab uga qaadayay gaadiidka safarka ah inta mudo ahna ka tirsanaa.

Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay sheegeen inay soo wadi doonaan howlgallada Al-Shabaab, isla markaana ay ka go’an tahay in degaannada hoostaga degmada Ceeldheer ay ka saaraan Al-Shabaab.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com