Home » Saraakiil ka tirsan DF Soomaaliya oo loo xiray xatooyo +(War-saxaafadeed)

Saraakiil ka tirsan DF Soomaaliya oo loo xiray xatooyo +(War-saxaafadeed)

by CKG Editor

Muqdisho (CKG) – Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay inay soo xireen saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya kuwaas oo ku eedeysan xatooyo xoolo dadweyne.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in Xafiiska oo ka duulaaya waajibaadkiisa shaqo uu ku guuleystay in la soo xiro saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda gaar ahaan canshuuraha berriga kuwaas oo ku eedaysan Xatooyo Xoolo dadwayne iyo sameynta dokumentiyo Dawladeed oo been abuur ah sida boonooyin Lacag qabasho oo lagu qoray xog been abuur ah, eedaysanayaasha oo kala ah, Khasnajiga Xafiiska Cashuuraha Beriga ee Degmada Warta-Nabadda iyo Madaxii hore Xafiiska Cashuuraha Beriga ee Degmada Warta-Nabadda haddana ah madaxa Canshuuraha Berriga ee Degmada Xamar Jajab & Sarkaal kale.

”Xafiiska Xeer-llaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu u gudbin doonaa eedaysanayaasha maxkamadda awoodda u leh marka ay soo dhamaato baarista kiiska loo haysto si loo horkeenno cadaaladda ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Xeer ilaaliyaha Qaranka.

Xafiiska ayaa digniin culus u diray cid walba oo ku hawlan fal-dembiyeedyada sare ku xusan ee ah damaaciga hantida dadwaynaha iyo samaynta dokumentiyada been abuurka ah, isla markaana waxaa uu boogaadiyay hawl-gallada lagula dagaallamayo Xatooyada Xoolaha dadwaynaha iyo samaynta Dokumentiyada been abuurka ah ee ay wadaan hay’adaha amniga.

Xafiiska Xeer-llaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa uga digay saraakiisha Dawladda, shirkadaha iyo hay’addaha la macaamila hay’addaha Dowladda in ay qayb ka noqdaan dembiyada la xariira Musuga.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com