Home » Saraakiil Boolis Oo Turkiyaan Ah Oo Soo Gaarey Muqdisho

Saraakiil Boolis Oo Turkiyaan Ah Oo Soo Gaarey Muqdisho

by Mohamed Adam Socdaal

Muqdisho (CKG)- Wafdi ka socda Booliiska Gaarka ee Ozil Harakat ee Dowlada Turkiga, ayaa maanta booqasho kooban ku soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Taliye xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaliyeed, S/Guuto, Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) iyo Saraakiil kale ee Booliiska Soomaliyeed ah ayaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan-Cadde ku soo dhaweeyey Saraakiisha.

Wafdigaan ayaa u yimid Muqdisho  in ay booqdaan, Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Booliiska Gaarka ah ee Haramcad oo ay Dowladda Turkigu tababarto.

Wafdiga oo ka koobnaa Afar Sarkaal ayaa dhamaantood ka socday Ciidanka Ozel Harakat. Waxeyna kala yihiin.

1: Taliyaha özel Harekat

2: Taliyaha Arimaha Dibadda

3: Taliye kuxigenka Arimaha Dibadda

Iyo Sarkaal katirsan özel harekat.

Booqashadaan rasmiga ah ayaa mudo dhan dhowr cisho wafdiga ku joogi doonaan Caasimadda Soomaaliya ee  Magaalada Muqdisho, iyaga oo kulamo la qaadan doonaan madax ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com