Home » Sara ukac ku yimid qiimaha la iibiyo Geela suuqyada Baydhabo.

Sara ukac ku yimid qiimaha la iibiyo Geela suuqyada Baydhabo.

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Suuqa weynaha xoolaha ee magaalada Baydhabo ayaa sida loogu bartay maalmahaan oo kale, waxaa ka jira mashquul aad u weyn, iyadoo shacabka magaalada sii diyaar sanayaan xoolaha ayaa sidoo kale waxaa daba socda kuwa kale ee xoolaha u dhoofiya gobolada kale.

Mid kamid ah dulaalinta xoolaha ku iibiya suuqa xaalaha ee magaalada Baydhabo oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in xoolaha qaar ay yihiin kuwo sare u kac ku yimid sida geela oo ah kuwo kala keeno qaar kamid ah gobolada dalka, dalka itoobiya iyo Kenya,

Isbuucii la soo dhaafay ayaa neefka geela ah la kala siisan jiran lacag dhan 20 milyan oo sh/ soomaali ah ayaa hadda jooga lacag dhan 23 ilaa 24  milyan oo sh/ soomaali ah.

Yuusuf aadan oo dulaaliinta kamid ah ayuu sare ukaca ku yimid qiimaha la kala siisto Geela ku sheegay in ay yaradeen Geeli la kenaayay suuqa xoolaha magaalada Baydhabo.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com