Home » Sara u kac ku yimid ah lacagta lagu raaco gaadiidka dad weynaha Baydhabo.

Sara u kac ku yimid ah lacagta lagu raaco gaadiidka dad weynaha Baydhabo.

by Weriye Ateera

Baydhabo(CKG)-Sara u kacaan ku yimd lacagta lagu raaco gaadiidka dad weynaha magaalada Baydhabo ayaa waxaa salka ku hayaa kadib markii qaaliyooway qiimaha la kala siisto shidaalka iyadoo halkii litir ee shidaalka ah uu gaaray 40 oo shilinka soonaaliga ah.

Bajaajleyda magaalada Baydhabo ayaa ah gaadiidleyda sida aadka ah u sameyey taasi oo iyagana keentay inay lacag ku daraan intii hore lagu raaci jiray bajaajta.

Rikaab ahaan markii hore halkii qof ayaa waxay ka qaadi jireen 7 kun oo sh/soomaali ah oo ka yareyd $0.5 balse hadda ayaa gaartay in qofkii ay ka qadaan 0.5 taasi oo ku adag shacabka magaalada Baydhabo.

Sare u kacaan ku yimid qiimaha la iibiyo shidaalka ayaa ganacsatada shidaalka iibiya ayaa waxay ku shegeen in labadaan beri wadada ka imaada magaalada Baydhabo ay xireen Kooxda al-shabaab sababo aan si toos ah loogu shaacinin.

Haddii sidaan ay sii ahaanto xirnaanshaha waddadaani ayaa ganacsatada waxay shegeen in shidaalka ka sii badan doono qiimaha la iibiyo.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com