Home » Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga oo muwaadiniin Soomaali ah ku booqday Xabsi ku yaalla dalkaasi

Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga oo muwaadiniin Soomaali ah ku booqday Xabsi ku yaalla dalkaasi

by Weriye Ahmed Yare

Ankara (CKG) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Turkiga Fatxu-diin Cali Maxamed ayaa booqday mid kamid ah xabsiyadda ku yaala magaalada Ankara oo ay ku jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed.

Danjire Fatxu-diin oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in socodkiisa uu la xiriiray la socodka xaaladaha nololeed ee ay ku sugan yihiin maxaabiista iyo wixii duruufo ah ama dhibaato ah ee heysta.

Safiirka Soomaaliya ayaa xusay in booqashadiisa ay qeyb ka tahay sidii loola socon lahaa arrimaha Jaaliyadda Soomaalida ee ku sugan Turkiga, isla markaana loo heli lahaa wadashaqeyn dhab ah oo dhexmarta dhinacyada safaaradda iyo dadka shacabka ah.

Ugu dambeyn, safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiye ayaa ka codsaday dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi inay ilaaliyaan shuruucda dalka, maadaama safiirka u xil-saaranahay dhowrista xuquuqda dadkiisa.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com