Baydhabo (CKG) – 29/05/202 Madaxweynaha KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed, wefdi uu hogaaminaayo ayaa waxay gareen degmada Baraawe ee gobolka sh/hoose ee KGS.
Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa waxaa soo dhaweeyay maamulka degmada,saraakiil ciidan, odiyaasha dhaqanka degmada iyo bulshada kale ee qeybahiida kala duwan.
Intaas kadib madaxweyne lafta-gareen ayaa waxaa uu la kulmay maamulka iyo bulshada qeybaheeda kale, Wuxuuna sidoo kale la kulmay saraakiisha ciidan oo jooga degmada, wuxuuna kala hadlay xureynta degaanada hoos tagaan Degmada Baraawe ee ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab.
Inta uu madaxweynaha KGS uu ku sugnaa Degmada Baraawe ayaa waxaa soo gaarey gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoowe) waxayna labadooda si wada jir ah u dhagax dhigeen dhismaha dekadd Baraawe.
Madaxweynaha oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa shacabka iyo maamulka degmada ugu baaqey in ay ka qeyb qataan dhismaha Dekadda, taasi oo qeyb ka qaadan doonto horumarinta KGS gaar ahaan Degmada Baraawe.
05/06/2023 Madaxweynaha KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa safarka udiyaar garowga wajiga 2,aad ee dagaalka ku gaaray Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.
Muhiimadda ugu weyn ee lafta-gareen u gaaray degmada Xudur ayay waxay tahay in degmada Xudur ay tahay halkii lagu abaabuli lahaa dagaalada la rabo in lagu xureeyo degmooyinka Tiyeeglow iyo Rabdhuure oo sanado badan ay gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab.
Saraakiisha iyo labada maamul ee degmooyinkaasi ayuu kala hadlay madaxweynaha in ay kaalin ay ka geystaan wajiga labaad ee xureynta gobolada KGS.
Maamulada degmooyinka Tiyeeglow iyo Rabdhuure oo shacabkooda ay ku sugan yihiin degmada Xudur oo fursad u heleen madaxweynaha ayaa kala hadley sidii ay qeyb uga qaadan lahayeen doorashada qof iyo cod oo loo malalsan yahay in ay ka dhaqdo dalka soomaaliya.
Madaxweynaha KGS Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa dhagax dhigay Mashaaricyo hormarineed kuwaas oo kala ah, Dhismaha Wadooyin 12KM, oo ay Maalgalinayaan UNDP, World Bank iyo TIIS, Hirgalinta Addeeg koronto cadceeda ku shaqeeya (Solar Sysytem), Dhagax dhiga Xabsiga Xudur iyo Xarunta Booliska, Dhismaha Gagida Garoonka Diyaaradaha ee Xudur iyo ku wareejin silig, Nadiifinta Warta Saalax Xabiib, Dhismaha xarun Caafimaad (MCH).
Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Magaalada Xudur kulamo kala duwan kula qaadanayo qeybaha kala duwan bulshada ayaa qaabilay Dhalinyarada Magaalada Xudur oo ka dhagaystay Baahiyaha ay qabaan iyo Doorka ay ka qadanaya sugida Amniga Magaalada Xudur.
Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Dhalinyarada uga Mahadceliyey Dadaalkooda ku aadan Xaqiijinta Amniga Magaalada, waxaana uu Xusay in kan Dowlad ahaan wax ay ka qabanayaan Baahiyaha Dhalinyarada haysata isagoona Faray inay Udiyaar garooban ka qeyb qadashada Wajiga labaad ee Dagaalka.
Waajid- Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed oo sii wadta safarada qaar kamid ah degmooyinka KGS ayuu gaarey degmada Waajid ee gobolka Bakool, madaama ay Waajid ay ka mid tahay degmooyinka ka jiraan xaaladaha bini’aadimo iyo dhanka amniga.
Kulamo gaar gaar ah oo madaxweynaha la qaatay maamulka, bulshada iyo ciidamada ayuu madaxweynaha safarkiisa degmada Waajid ku sheegey in uu ku aadan yahay in kaalintooda ka qataan wajiga labaad ee la dagaalanka kooxd Al-shabaab.
Maamulka Degmada,bulshada iyo ciidamada ayaa dhankooda balan qaaday in ay qeyb ka yihiin xureynta, sidoo kale madaxweynaha ayaa u gudbiyeen rabitaankooda oo ah in ay qeyb ka ahadaan doorashada qof iyo cod.
Intaasi kadib madaxweynaha KGS Lafta-gareen iyo wefdigiisa ka koobnaa labadiisa gole qeyb kamid ah saraakiisha ciidan ee ka tirsanaa qeybta 60, aad ayaa waxay safarkooda kadib ku soo laabteen magaalada Baydhabo oo xarun KMG ugu maamulka KGS.
Madaxweynaha ayaa la kulmi doona labadiisa gole iyo saraakiisa ciidamada si uu ugu warbixiyo safaradiisa.
-Dhamaad-
W/D: Siid Cali Muuse Ateera.
Codkakoonfurgaleed.com