Khartuum (CKG) – Safiir ku-xigeenka safaaradda Soomaliya ee dalka Sudan Amb. Axmed Cabdi Xasan oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in muwaadiniin Soomaaliyeed oo tiradooda gaarayso 1,500 oo qof ku barakaceen dagaallada ka socda Dalka Sudan.
Mr Axmed Cabdi Xasan ayaa sheegay in dadkan isugu jiraan Arday iyo dad kale oo siyaabo kala duwan ugu noolaa dalka Sudan.
Sidoo kale, safiir ku-xigeenka ayaa sheegay in safaaradaha Soomaliya ee dalalka Sudan, Ethiopia iyo Wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaliya iska kaashadeen gurmad u fidinta dadka Soomaaliyeed ee waxyeeladu ka soo gaartay dagaalka ka qarxay dalka Sudan.
DF Soomaaliya ayaa dadaal weyn ugu jirta sidii loo soo samatabixin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibaatada ka soo gaartay dagaalka ka socda dalka Sudan.
Inta badan Soomaalida ka cararay dagaallada dalka Sudan ayaa u kala baxay dalalka South Sudan iyo Ethiopia.
CodkaKoonfurGalbeed.com