Home » Saacado kooban kadib cawasho laga keenay golaha degaanka degmada Buur-Hakaba.

Saacado kooban kadib cawasho laga keenay golaha degaanka degmada Buur-Hakaba.

by Weriye Ateera

Buur-Hakab(CKG)-Mid ka mid ah beelaha dega KGS, ayaa cabasho ka keenay dhismaha golaha deegaanka Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay.

Beshaan oo shir jaraa’id ku qabsaday magaalada Baydhabo oo soo xaadiray qaar kamid ah Odiyaasha dhaqankooda, siyaasiintooda iyo dhalinyaradooda ayaa sheegay in la gees maray hab wax qeybsigii beelaha is dhax dega, gaar ahaan beshaan oo wax ku laheyd wax la qeybsiga beesha degta Degmada Buur-Hakaba.

Odiyaasha dhaqanta oo arintaasi ka hadleen sheegay in boqol sano ka hor ay jirtay wax ku lahaanshaha degmada Buur-Hakaba xiligaasina malaab ay lahayeen lagu dilay degmada.

” majiraan wax colaad ah oo naga dhaxeyso anaga iyo beesha Elaay, lakiin waxaan u jeednaa inkiraad weyn haddii wax maamul wadta hadduu ahaan lahaa meel ayaan uraadi laheyn ayuu yiri” mid kamid ah oadiyaasha beesha.

Sida lawada ogyahay degmo kasta waxaa is kula nool yihiin beelo badan iyadoona beesh leh ama ugu xoog weyn degmada lala qeyb sado maamulista degmada.

Siyaasi beesha ah ayaa yiri “degmada Buur-Hakaba waxaa lagu tiriyaa degmada ugu tuulo badan degmooyinka dalka soomaaliya, 45 kamid ah toolooyinkaasi waxaa dega beesha Yantaar, dhisidda golaha degaankana wax ayay ku leedahay”

Sidoo kale wuxuu yiri” Wasaaradda arimaha gudaha dowladaha hoose KGS iyo beesha Eelaay waxay nagu sameyeen ku taglifal aan geed loogaga soo gaban waayo markii wax laqeybsanaayo waxaa wada tashi kula leh dadka ama beelaha kula dega degmadaasi si loo helo wax wanaagsan oo lagu qanacsan yahay sidaasina wax uma dhicin ee wax kasta idinka isku ekeeyay ayuu yiri” siyaasigaasi.

Shirka ayaa lagula hadlay ama fariin luugu diray si gaar ah hay’adda taageeraysa dhisidda golaha degaanka degmada Buur-Hakaba in ay waddo abaabul ah in lisku diro oo dhiig gacmaha ay marsadaan labo beelo oo walaalo ah.

Doorashadaan ah in la helo gole degaan oo yeelata degmada Buur-Hakaba ayaa ku dhawaaqey madaxweynaha Dowlad goboleedka KGS, Mudane Cabdi Casiis Maxamed Xasan oo booqasho ku tagay degmadaasi ayaa wasaaradda Arimaga gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisinta KGS, ku amran in arintaasi ay dar-dar galiso si wax looga qabto wax yaabaha aas aasiga u ah bulshada ee ka maqan Buur-Hakaba.

Arintaasi ayaa waxaa si deg deg ah ugu soo jawaabay oo ka hor yimid qaar kamid ah kuwa ugu waa weyn siyaasiinta, aqoonyahnada, odiyaasha dhaqanka iyo dhalinyarada oo shir jaraa’id ku qabsaday magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka iyadoona si lamid ah fariin udiray dhamaan maamulka KGS, hay’adaha gacanta ku haaya iyo dowladda FS.

Arintaasi oo taagan madhicin jawaab ama cid ka dahashay.

04/07/2023 Wasaaradda arimaha gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta KGS, waxay si toos ah u shacisey inay dhameysay 21 xildhibaan ee golaha degaanka degmada Buur-Hakaba iyadoo dhawaan la shaacin doono doorasha gudoomiyaha maamulka degmada si loo dar-dar galiyo howlaha horyaala maamulka.

Beeshan ayaa noqotay middii ugu horeysay ee wacasho ka keento doorashaani golaha degaanka Iyadoona la ogeyn wax yaabaha ka dhalan karo cawashadaan madaama hore loo diray fariimo nabadeed iyadoona daba socdeen kuwo dhiig iyo inaysan dhibaato dhicin.

Codkakoonfurgalbeed.com

By: Siid Cali Ateera.

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com