Muqdisho (CKG) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa Axaddii maanta dhagax dhigay xarunta gurmadka deg-deg ah oo loogu talagalay in gar gaar Caafimaad loogu fidiyo dadka dhaawacyada soo gaaraan.
Munaasabada dhagax dhiga waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaahi Aadam, Guddoomiyaha aha hay’adda Mareenta muusiibooyinka Qaranka.
RW Xamse Cabdi Barre, ayaa bogaadiyey tallaabooyinka lagu hormarinayo xarumaha adeega Caafimaad loogu qabanayo Bulshada Soomaaliyeed, xarumahaas oo baahi weyn loo qabay
Ugu dambeyn, xarunta maanta uu dhagax dhigay Ra’iisul Wasaare Xamse, ayaa laga dhisayaa Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
CodkaKoonfurGalbeed.com