Home » RW Xamse oo la sheegay in uu xaliyay khilaafkii DFS iyo Laftagareen

RW Xamse oo la sheegay in uu xaliyay khilaafkii DFS iyo Laftagareen

by Weriye Ateera

BAYDHABO(CKG)–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa soo geba-gabeeyay safarkii xal raadinta ahaa ee uu ku joogay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay Maalmihii la soo dhaafay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa la sheegay in uu xaliyay khilaafkii ka dhex taagnaa Villa Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kaas oo la xiriiray dhinacyada siyaasadda, kadib kulamo uu la qaatay Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka degaannada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( Laftagareen) ayaa sheegay in Dadka Reer Koonfur Galbeed ay waligood ahaayeen kuwo jecel dowladnimada, isla markaana ay waqyi geliyeen in la helo dowlad Mideysan ayna hagran.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa dhankiisa sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay midnimo, isla markaana Xukuumadda Soomaaliya ay qorsheysan in degaannada Koonfur Galbeed laga xorreeyo Al-Shabaab.

Dowlad Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayaan weli soo bandhigin waxyaabaha lagu xaliyay khilaafkooda, hayeeshee Shacabka Soomaaliyeed ayaa u dheg taagaya waxa dhici doona Maalmaha soo socda.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com