Home » RW Xamse oo ka qeybgalay xuska maalinta Qarannimada Talyaaniga oo lagu qabtay Muqdisho +(SAWIRRO)

RW Xamse oo ka qeybgalay xuska maalinta Qarannimada Talyaaniga oo lagu qabtay Muqdisho +(SAWIRRO)

by CKG Editor

Muqdisho (CKG) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta Qarannimada Dowladda Talyaaniga oo lagu qabtay Safaaradda ay ku leeyihiin Muqdisho.

Mr Barre ayaa uga mahadceliyey Talyaaniga kaalinta ay ka qaataan dowlad dhiska Soomaaliya, isla markaana ay ka go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal.

“Waxaa farxad ii ah in galabta aan idin kala soo qayb galo xuska maalinta  Qarannimada Talyaaniga, si aan u xusno xiriirka qotoda dheer ee u dhexeeya labada dal, dalkeenna markii uu ka dillaacay dagaalkii sokeeye ee kala dhantaalay, waxaan idin kaga mahadcelinaynaa qaabkii gobannimada badnayd ee Shacabka iyo Dowladdu gacmo furan ku soo dhaweeyeen qaxootigii Soomaaliyeed oo ay siiyeen fursado ay noloshooda dib ugu dhisaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com