Home » RW Xamse oo isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiirrada Soomaaliya

RW Xamse oo isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiirrada Soomaaliya

by Weriye Ahmed Yare

Muqdisho (CKG) – Ra’iisul Wasaaraha XJF Soomaaliya, Mudane Xamsa cabdi Barre  ayaa xalay sameeyay Magacaabis iyo Isku Shaandheyn qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre:

Markii uu arkay qodobka 97aad farqadiisa 3-aad ee Dastuurka KMG ah

Markii uu arkay qodobka 98aad farqadiisa 2-aad ee xarfaha A & B ee Dastuurka KMG

Markii uu arkay qodobka 100-aad xarfaha A, B iyo C ee Dastuurka KMG

Markii uu arkay howlaha baaxadda leh ee horyaala Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Markii uu tixgeliyay talada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Markii uu garowsaday baahida loo qabo in la dardargeliyo shaqada Xukuumadda

waxa uu isku Shaandheyn iyo magacaabis ku sameeyay xubnaha Golaha Wasiirada.

  1. Mudane Biixi Iimaan Cige waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
  2. Dr Maxamed Cilmi Ibraahim waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
  3. Mudane Abuukar Jeylaani Sheekh waxaa loo magacaabay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta
  4. Mudane Saadaad Maxamed Nuur Caliyow waxaa loo magacaabay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta

Wasiirada cusub ee la magacaabay ayuu Ra’iisul Wasaaruhu faray inay si deg deg ah ula wareegaan xilalkooda kadib marka la dhaariyo.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com