Wednesday, February 28, 2024
More

    RW Xamse Barre oo magacaabay xubno Cusub Wasiirro ah

    Muqdisho (CKG)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay xubno wasiirro ah.

    Ra’iisul Wasaaruhu markuu arkay:

    Qodobka 97aad faqradiisa 3aad e Dastuurka KMG.

    Qodobka 98aad faqradiisa 2aad Xar. A&B ee Dastuurka KMG.

    Qodobka 100aad Xarfaha A, B iyo C ee Dastuurka KMG.

    Howlaha baaxadda leh ee horyaala Xukuumadda JFS.

    Markuu tixgeliyay:

    Talada Madaxweynaha JFS

    Markuu garowsaday:

    Baahida loo qabo magacaabidda Xubnahan Golaha Wasiirrada JFS, wuxuu magacaabay:

    1. Mudane Cabdikariim Cabdow Xaydar – Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
    2. Mudane Axmed Jaamac Cumar – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

    Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kula dardaarmay in xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeegaan si ay ku dheehan tahay Alle ka cabsi iyo masuuliyad.

    Mudane Xamse ayaa u rajeeyay in Eebbe uu ku asturo masuuliyadda culus ee loo igmaday.

    Codkakoonfurgalbeed.com

    WARARKA LA XIRIIRA

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    KU BIIR ASXAABTA BARTA FACEBOOGEENA

    LATEST HEADLINES

    Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com