Turkey (CKG) – Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa markii labaad ku guuleystay doorashada Madaxtinnimada dalka Turkiga oo maanta markale lagu celiyay, xilli uu loolan adag kala kulmayay Musharraxa xisbiga mucaaradka ah Kemal Kilicdaroglu.
Mudane Erdoğan ayaa helay 52.72% kamid ah codadka la dhiibtay, halka musharraxa la tartamayay ee Kemal Kilicdaroglu uu helay 47.28%.
Doorashada ayaa aheyd wareegii labaad ee doorashada, maadama horey loogu kala adkan waayay doorashadii dhacday 14-kii bishan Maay.
Turkiga ayaa taariikh cusub ku soo kordhinaya Dilmuquraadiyadda, waxaana waxyaabaha dhinacyada loolamayay ku kala olaleynayeen ugu weynaa celinta dadka qaxootiga ah.
Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa qaarkood durba billaabay inay u hambelyeeyaan madaxweyne Erdogan, waxaana ugu horreeyey amiirka dalka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani.
CodkaKoonfurGalbeed.com