Home » Ra’isul Wasaare Xamse Oo Shir Guddoomiyey Shir Loogu Hadlayo Qorshe U Sameeynta Deeganada Laga Saarey Al Shabaab

Ra’isul Wasaare Xamse Oo Shir Guddoomiyey Shir Loogu Hadlayo Qorshe U Sameeynta Deeganada Laga Saarey Al Shabaab

by Mohamed Adam Socdaal

Muqdisho (CKG)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey dardargelinta iyo hagidda xasillinta deegaannada  laga saaray Al-Shabaab.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha Xukuumadda ee xasillinta deegaannada laga qabsaday Al-Shabaab iyo kuwa la xoreyn doono oo ay ugu horreeyaan gaarsiinta adeegyadii guud ee dadweynaha sida, amniga, booliiska iyo garsoorka, si ay uga soo kabtaan dhibaatooyinkii ay u geysteen Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in ay ka go’an tahay ilaalinta nafta, sharafka iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo xaqiijinaya deegaannada Shabaab laga saaray la gaarsiinayo hay’adihii dowliga ahaa.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo bandhigay wada-shaqeynta iyo Iskaashiga Wasaaradaha Federaalka iyo kuwa Dowlad-goboleedyada iyo waiii ka qabsoomay 8dii bilood ee la soo dhoofay xasillinta goobihii horey looga xoreeyey Al-Shabaab.

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com