Home » Ra’isul Wasaaraha XFS Oo Kulan La Qaatay Guddiga Madaxbanaan Ee Dastuurka (SAWIRRO)

Ra’isul Wasaaraha XFS Oo Kulan La Qaatay Guddiga Madaxbanaan Ee Dastuurka (SAWIRRO)

by Mohamed Adam Socdaal

Baydhabo (CKG)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mudane Xamse Cabdi Barre oo kulan la qaatay Guddiga Madaxabanaan ee Dastuurka,ayaa tilmaamay muhiimadda uu dalka u leeyahay dhameystirka dastuurka.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Avv. Burhan Adan Omar ayaa warbaxin ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha geedi socodka Dastuurka iyo qorsha howleedyada guddiga, shaqada baaxada leh ee guddiga laga sugayo iyo dhamaan howlaha hortabinta leh ku aadan dhamaystirka Dastuurka KMG.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee dib-u-eegista Dastuurka ku ammaanay sida ay durba uga howlgalaan masuuliyaddii loo igmaday, isla markaana ay soo dhameystireen habraacyadii muhiimka u ahaa shaqada guddiga, siddoo Ra’iisul Wasaarahaayaa kula dardaarmay guddiga inay ku shaqeeyaan hufnaan iyo howlkarnimo si Daatuurka loo dhamaystiro.

CodkaKoonfurGalbeed.Com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com