Home » Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Laamaha Amniga Iyo Gobolka Banaadir

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Laamaha Amniga Iyo Gobolka Banaadir

by Mohamed Adam Socdaal

Muqdisho CKG– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kulan kula qaatay Xafiiska Amniga Qaranka, hey’adaha amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir, kaasi oo looga hadlay sugidda amniga caasimadda Muqdisho.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen madaxda Booliiska, Nabadsugidda, Gobolka Banaadir iyo Xafiiska Amniga Qaranka ayaa waxa ay ku soo bandhigeen Istiraatiijiyadda hannaanka sugidda amniga caasimadda Muqdisho gaar ahaan xilligan lagu jiro bisha barakaysan oo kooxaha Khawaarijtu ay caadeysteen inay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya iyo sidii guud ahaan ammaanka loo adkeyn lahaa.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa faray masuuliyiinta in hey’adaha amniga iyo maamulka Gobolka Banaadir looga baahan yahay inay la yimaadaan feejignaan dheeri ah si Khawaarijtu aanay fursad ugu helin dhibaateynta shacabka bishan cibaadada Alle ku jira.

CodkaKoonfurGalbeed.com

 

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com