Wednesday, February 28, 2024
More

    Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Oo Ugu Baaqey Ganacsatada Soomaaliyeed Inay Maalgashadaan Dalkooda (SAWIRRO)

    Muqdisho (CKG)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray Suuqa casriga ah ee Jubba HyperMarket oo ganacsato Soomaaliyeed ay ka hirgeliyeen Caasimadda dalka ee Muqdisho.

    Ra’iisul Wasaaruha Xukuumadda ayaa ku ammaanay ganacsatada hirgelisay suuqan kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan horumarka iyo dib-u-dhiska dalka, maadama Jubba HyperMarker uu kamid yahay kuwa bilaya bilicda dalkeenna.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay ku kalsoonaadaan maalgashiga dalkooda, si aan ula tartano caalamka, ugana soo kabanno dib-u-dhicii gaaray dalka xiliyadii burburka.

    Xukuumadda DanQaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa xoogga saareysa sidii dib loo soo celin lahaa kaabayaashii muhiimka u ahaa dalka, waxa uuna tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay dhiirigeliso maalgashiga wadaniga ah, una sameyso shuruucdii hagi lahayd.

    Codkakoonfurgalbeed.Com

    WARARKA LA XIRIIRA

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    KU BIIR ASXAABTA BARTA FACEBOOGEENA

    LATEST HEADLINES

    Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com