Home » Ra’iisul Wasaare Xamze oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dalka Qatar ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamze oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dalka Qatar ee Soomaaliya.

by Weriye Ateera

MUQDISHO(CKG)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya, Mudane Abdullah Salem Al Nuaimi, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarka ciidamada qalabka sida, horumarinta adeegyada asaasiga ah iyo gargaarka.

Dhankiisa, Danjire Abdullah, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com