Home » Ra’iisul Wasaare Xamze oo guddoomiyay shir looga hadlayay dar-dargelinta sugidda Amniga dalka

Ra’iisul Wasaare Xamze oo guddoomiyay shir looga hadlayay dar-dargelinta sugidda Amniga dalka

by CKG Editor

Muqdisho (CKG) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka Amniga oo looga hadlay dar-dargelinta sugida Amniga guud ee dalka, la dagaalanka Ururka Al-Shabaab, shuruucda hor-u-tebinta u leh amniga iyo qaadista cunaqabteynta hubka ee saaran Soomaaliya.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira howlgallada socda ee lagu xasillinayo amniga guud ee dalka iyo wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah iyo qorshaha qaran ee ka hortaga fikirka xagjirka ah oo ahmiyad gaar ah u leh dalka, si loo helo bulsho amni iyo nabad ku wada nool.

Shirka ayaa  lagu ansixiyay magaca iyo waajibaadka Xarunta Qaran ee la dagaallanka Fikirka Xagjirka ah ee WAANO, taas oo hoos tageysa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS.

RW Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay ahmiyadda koowaad siineyso xasillinta iyo xorreynta dalka, si bulshada Soomaaliyeed looga dulqaado culeyska Al-Shabaab ku hayaan, dalkuna u gaaro horumar iyo caddaalad, diyaarinta sharciyada hor qabadka ku leh amniga qaranka.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com