Home » Ra’iisul Wasaare Xamse oo Mareykanka uga mahadceliyay taageerada Amniga, La-dagaallanka Argagixisada

Ra’iisul Wasaare Xamse oo Mareykanka uga mahadceliyay taageerada Amniga, La-dagaallanka Argagixisada

by CKG Editor

Muqdisho (CKG) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JF Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada ay siiso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dhinacyada Amniga, La-dagaallanka Argagixisada, Waxbarashada, Arrimaha Bulshada iyo Bini’aadannimada.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabad lagu sagootinayay Danjiraha sii baxaya ee Mareykanka Larry J. Andre oo ay dhammaatay hawshiisi diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, oo ay goob joog ka ahaayeen Madaxweyneyaasha Dowlad Gobolleedyada Galmudug, Jubaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Mudanayaal ka tirsan goleyaasha Dowladda.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in Dowladda Mareykanku ay muddo dheer Soomaaliya ka taageeraysay dowlad dhiska, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyay Danjire Andre oo uu sheegay in uu yimid Soomaaliya, xilli adag oo ay dalka ka jireen caqabado amni, siyaasadeed iyo xaalado bini’aadanimo.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in Danjiruhu uu door weyn  ka ciyaaray sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Mareykanka.

Dhankiisa, Danjire Andre ayaa ka mahadceliyay wadashaqeynta iyo soo dhaweyntii loogu sameeyay Soomaaliya intii uu ka hawlgalayay.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com