Muqdisho (CKG) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa kormeer ku tagay Xarunta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku soo dhaweeyay xarunta Wasaaradda.
RW Xamse iyo Wasiir Roobow ayaa si wadajir ah uga dhageystay guddiga Tartanka adeega Xajka warbixin ku saabsan hannaanka tartansiinta shirkadaha daneynaya arrimaha Xajka, maareynta cabashada iyo khilaafaadka, halbeega adeegyada Xujeyda Soomaaliyeed iyo jaan-gooynta qiime aan culeys ku noqonayn dadkeenna doonaya in ay soo gutaan waajibaadka Xajka sanadkan.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumadda Danqaran ay ka go’an tahay inay hufnaan ku maamusho, isla markaana korjoogteyso shirkadaha ku guuleysan doona adeegga Xajka sanadka 1444/2023.
CodkaKoonfurGalbeed.com