Muqdisho (CKG) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JF Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa markii u horreysay si adag uga hadlay sida looga falceliyay go’aanadii ka soo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.
Mr Barre ayaa waxa uu sheegay in qof ama koox meel fadhida aan loo dabreyn dalka waxay doonayaan, balse ay soconayaan waxa ay dadka Soomaaliyeed doonayaan.
“Dadka Soomaaliyeed meesha ay ku sii jeedaan ayaa garaneyn anagu, waxa ay doonayaan ayaa garaneyn. Wax hebel iyo hebel uu rabo ma soconeyso, laakiin waxa dadka Soomaaliyeed doonayaan ayaa soconaya,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.
Halka hoose ka daawo Hadalka RW Xamse oo dhammeystiran:
CodkaKoonfurGalbeed.com