Home » Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka qeybgalay shir Madaxeedka 22-aad ee COMESA

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka qeybgalay shir Madaxeedka 22-aad ee COMESA

by CKG Editor

Lusaka (CKG) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Lusaka ee caasimadda dalka Zambia kaga qeyb galay shir-madaxeedka 22aad ee suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika ee COMESA.

Waxaa shirkan looga hadlayaa is-dhexgalka dhaqaale ee dalalka Qaarada, kor uqaadidda ganacsiga gobolka iyo ajanyadaal kale oo muhiim u ah koboca dhaqaale ee dalalka ku midaysan dalladan.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo hadal ka jeediyay madasha ayaa xusay muhiimadda ka mid noqoshada suuqan iyo fursadaha ay u abuuri karto shacabka Soomaaliyeed.

Saalax Axmed Jaamac ayaa xusay in isla maanta ay golaha Xukuumaddu ansixiyeen ku biiridda suuqa COMESA, iyadoo loo gudbin doono golayaasha sharci dejinta ee dalka.

CodkKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com