Home » Raggii dhibaatada ka gaystay Xamar oo gacanta lagu soo dhigay(SAWIRRO)

Raggii dhibaatada ka gaystay Xamar oo gacanta lagu soo dhigay(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Muqdisho (CKG) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa booliska gobolka Banaadir ayaa maanta gacanta kusoo dhigay laba nin oo burcad ah, kuwaas oo dhowaan dhaawac iyo dhac ka gaystay degmada Garasbaaley.

Booliska oo qoraal soo saaray ayaa baahiyay magacyada iyo sawirrada labada nin oo kala ah Dable Xoogga dalka Cabdullahi Mustaf Maxamed iyo Ismaaciil Cali Ibraahim oo isna ah darawal mooto Bajaaj, sida lagu sheegay warsaaxaafadeedka kasoo baxay Booliska.

Raggan ayaa loo haystaa inay dhaawac iyo dhac ay isugu dareen ganacsato ku suganayd Garasbaaley oo kamid ah degmooyinka cusub ee gobolka Banaadir.

“Ciidanka Booliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Booliiska Garasbaaleey ayaa maanta soo xiray Laba eedeysane oo lagu kala magacaabo 1-D/le CXD C/laahi Mustaf Maxamed 2-Ismaaciil Cali Ibraahim iyo mooto Bajaaj ay wateen kuwaas oo ku eedeysan in ay taariikhda 21-5-2024 ay dhac iyo dhaawac u geesteen labo muwaadin oo ganacsi ku leh Dagmadda Garsbaaleey” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska booliska gobolka.

Sidoo kale taliska ayaa ballan qaaday in labada eedeysane laga qaadi doono tallaabo sharci ah, isla markaana loo sii gudbin doono maxkamadda ku shaqada leh.

  

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com