Wednesday, February 28, 2024
More

    Rabshado Khasaaro Dhaliyey Oo Ka Dhacay Ceerigaabo & Xiisad KaTaagan

    Ceerigaabo (CKG)- Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag, ayaa waxaa habeenimadii xalay aheyd ka dhacay Banaanbaxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

    Qaar kamid dadka deegaanka Ceerigaabo ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada, iyaga oo banaanbaxdooda uga soo herjeeday maamulka Somaliland, isla markaana ku qeylinayay erayo ka dhan ah Madaxweyne Muuse Biixi.

    Ciidamo ka tirsan Booliska Somaliland oo tagay halka uu ka socday banaanbaxa ayaa rasaas ku kala eryay dadkii dhigaayay dibadbaxa, waxaana halkaas ka bilowday isku dhacyo dhexmaray dadka iyo ciidanka Booliska.

    Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa lasoo wariyey inay ka dhasheen rabshadihii dhacay, Qaar kamid ah shacabkii banaanbaxayay ayaa sheegay inay taaageero u muujinayaan reer Laascaanood, iyaga oo xusay inay kasoo horjeedan qaabka ay Somaliland u wajahday xiisadda ka taagan magaalada.

    Wararkii ugu danbeeyay ee saaka laga helayo Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Xiisad ay ka taagan tahay magaaladaas, qayba kamid ah magaalada ayaa laga dejiyay calanka Somaliland, lagana taagay calanka Soomaaliya.

    Codkakoonfurgalbeed.com

    WARARKA LA XIRIIRA

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    KU BIIR ASXAABTA BARTA FACEBOOGEENA

    LATEST HEADLINES

    Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com