66
Muqdisho (CKG) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo uu wehliyo ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa dib ugu soo laabtay caawa magaalada Muqdisho, kadib markii uu magaalada Baydhabo kaga qaybgaleen Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.
Ra’iisul Wasaare Xamse iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda iyo mas’uuliyiin kale.
CodkaKoonfurGalbeed.com