Home » Qorshaha ay DF dalka uga saareyso ciidamada Itoobiya iyo sida uu ku hirgeli karo

Qorshaha ay DF dalka uga saareyso ciidamada Itoobiya iyo sida uu ku hirgeli karo

by Weriye Ateera

Muqdisho (CKG) – La-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Soomaaliya, Xuseen Macallin ayaa sheegay in dhamaadka December ee sanadkaan 2024-ka la qorsheeyey in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka bixi doonaan Soomaaliya.

Xuseen Macalin ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka Itoobiya aysan hadda kadib ilaali ka sii ahaa doonin xarumaha muhiimka ah ee dowladda Soomaaliya, isla markaana la qorsheeyey in gabi-ahaantood laga saaro dalka dhamaadka sanadkaan.

‘’Dabcan annaga halka aan ka taaganahay ka dawlad Soomaaliya ahaan, waan caddeyney ciidanka Itoobiya kama mid noqon doono ciidamada sii joogi doona dalka, Diiseembar sanad kan wixii ka dambeeya, arintaasi waa arin dawladda Soomaaliya go’aan ay qaadatay,’’ ayuu yiri Xuseen Macalin. 

Sababta Dawladda Federaalka aanay u dooneynin in ciidamada Itoobiya ay qayb ka sii ahaadaan hawgaladda nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayuu ku sheegay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya xiriirka sii xumaanaya ee u dhaxeeya labada wadan.

‘’Sababahana waad garaneysaan xaaladda iyo xiriirka dawladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ay hadda maanta la leeyihiin Itoobiya ayeysan suurtagal noqonaynin in ay ma aragtay cidamadaas Itoobiya ay Soomaaliya sii joogaan.’’

Codkakoonfurgalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com