Home » Qilaafkii ka taagnaa degmada Walanweyn oo xal laga gaaray(SAWIRRO)

Qilaafkii ka taagnaa degmada Walanweyn oo xal laga gaaray(SAWIRRO)

by Weriye Ateera

Walanweyn(CKG)-Wefdi uu hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudahaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-uheshiisiinta dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya Mudane Cabdulaahi Xaaji Xasan iyo mas’uulin kale oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Degmadda Walanweyn ee gobolka shabeelaha hoose ayaa goobjoog u noqday gunaanadka gogol nabadeed oo lagu dhexdhexaadinayay laba beelood walaalo ah oo muran gacan kahadal ah kudhexmaray Degmada Walanweyn ee gobolkaasi.

Wasiirka iyo mas’uulinta kale ee ka socdeen dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya ayaa u dhaxeeyay nabad doonada iyo odiyaasha dhaqanka ee ka kala socdeen labada beelood ee dirirta u dhaxeysay ayagoo kala dhageysanayeen waxyaabaha salka ku haayay qilaafkooda.

kulankaan oo ah mid lagu kala heshiisinaayay labada beelood ayaa waxaa goobjoog ahaa dhamaan nabad doonada, odiyaasha dhaqanka, maamulka degmada iyo taliyaasha ciidanka ayadoona lagu baaqay in naga lagu soo rugo degmada iyo degaanada kale ee ka tirsan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudahaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-uheshiisiinta dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya Mudane Cabdulaahi Xaaji Xasan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in xiligaani la joogin in ay is dagalaan labo beelood oo wallaalo ah oo haddana isla dega hal degmo taasina laga fiican yahay.

Codkakoonfurgalbeed.com

 

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com