Baydhabo(CKG)-Qoysas iskugu danyar iyo kuwo ku nool xeryaha lagu barakacay ee magaalada Baydhabo ayaa la’ waxay dabka ku shitaan. Waxaa saameyn ku yeeshay qiimaha raashiinka oo qaali ah tan iyo bishii January ee sanadkan markaas oo fatahaad uu sameeyay Webiga Shabeelle ay goysay waddada marta Wanlaweyn oo ay adeegsadaan gaadiidka badeecadaha ka soo qaada Muqdisho ee geeya Baydhabo.
Raashiinka dibadda laga keeno oo ay dadku badi cunaan sida burka, bariiska, sonkorta, baastada iyo saliidda ayaa qiimahiisu kordhay wax ka badan labo laab. Maxamed Barakow Cabdi oo ah aabbaha afar carruur ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qoyskiisa ay ku adag tahay in hal waqti ay shitaan dabka.
Wuxuu xusay in dhaqaale $2 ah oo maalinkii ka soo gala shaqo xamaal ah aysan u goyn labo kiilo oo bur ah ama bariis ah. Noloshooda ayuu sheegay in markii horaba adkeyd oo ay dabka shidan jireen labo waqti, balse hadda ay uga sii dartay badeecadda qaaliga noqotay
“Kiiladii bariiska ah waa $1.5, maalinkiina aniga waxaa isoo gasha labo Doollar. Wax I anfacaya maba aha oo cideyda nolosheeda maareynaya. Markii hore quraac iyo qado ayaan wax karsan jirney, hadana waxaan shidanaa hal wakhti oo afurka keli ah, waana wax yar oo aan nagu filneyn.”
Maxamed ayaa ah xoogsade dusha ku qaada raashiinka gawaarida laga dajiyo iyo kan loo qaado dadka iibsada ee doonaya in guriga loo geeyo ama goobtooda ganacsi.
Wuxuu sheegay in bishan bilowgeedii uu soo qaatay raashiin deyn ah oo qiimahiisu yahay $50. Amaahdaas ayuu xusay inay xal u noqotay cunno yari ay wajahayeen, balse raashiinkaas hadda waxba ugama yaalaan labaatan cesho kadib.
Duruufta adag ee qoyskiisu wajahayaan ayuu xusay inay u dheertahay walaac ay ku hayso bixinta deyntaas oo uusan xal u hayn.
“Maalin kasta waxaa lay leeyahay deynteyda isii. Wax aan ku maareeyo oo aan deyntaas aan ku dhiibana malahan. Shaqadeydu waa mar hel oo mar waa. Aniga ayaa maalinkii aan shaqo la’aan noqdo waxaan nolosheyda ku maareeya deyn, iyadiina naftirkeedana wax ii oggolaanaya malahan.”
Maxamed oo 45 jir ah ayaa xusay in waxa qaaliga ah aysan aheyn raashiinka dibadda laga keeno oo kaliya, balse uu la mid yahay kan dalka ka baxa sida galeyda, digirta iyo masagada oo iibsagoodu ku adag yahay.
In qiimahoodu kordho wuxuu u sababeeyay wax soo saarka beeraha oo hoos u dhaca xilligan oo kale marka ay jiilaal tahay.
“Dalag hadda beeraha ka soo go’aya ma jiro. Kiiladi digir ah waxaa hadda la siinayaa $1, bil, ka horna $0.4 aheyd. Wixii oo dhan cirka ayay isku shareereen.”
Wuxu tilmaamay in biyaha oo fuustadii la siiyo $2 aysan iibsan karin, balse ay ku nool yihiin waxay dadku ku caawiyaan oo ay u isticmaalaan cabitaan iyo cuntada oo kaliya.
Maxamed ayaa ahaa beeraley ku nool tuulada Bakal oo 25 km u jirta magaalada Baydhabo. Beer seddex hiktar ah oo halkaas uu ku leeyahay ayuu xusay in tacabkeeda uu joojiyay sanadkii 2022, markuu u waayay roob ku filan oo dalagu ku baxo.
Maxamed Aadan Hilowle oo ah labo xaasle ayaa tilmaamay in xaaladda taagan ay ku soo beegantay isagoo shaqo la’aan ah. Reerahiisu waxay ku tiirsan yihiin kaalmo yar oo ay ka helaan dadka dariskooda ah oo siiya raashiin bisil iyo mid cayriin hadba waxay u awoodaan.
Wuxuu sheegay in qoysaska qaar oo adeegooda bisha wax ka siin jiray ay joojiyeen markii uu saameeyay sicir bararku.
“Casho bes ayaan cuneynaa hadda. Inta soonka la guda galay saxuur la’aan ayaan soo manahay. Adi calaa kulli xaal tabar haddii bini‘aadam hayso anagalay nahaysaa.”
CodkaKoonfurGalbeed.com