Home » Qaxooti badan oo ay Soomaali ku jirto oo laga soo daadgureeyay Liibiya oo la geeyay Rwanda

Qaxooti badan oo ay Soomaali ku jirto oo laga soo daadgureeyay Liibiya oo la geeyay Rwanda

by Weriye Ahmed Yare

Rwanda (CKG) – Dowladda Rwanda ayaa qaabishay 134 qaxooti iyo magangalyo doon ah, kuwaas oo laga soo daad gureeyay dalka Liibiya.

Qaxootiga dalka Rwanda la geeyay ayaa u kala dhashay dalal kala duwan oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Tirada qaxootigaasi ayaa loo kala qaaday inay kala yihiin sidan;

64 Eritrea

35 Sudan

15 Soomaali ah

17 Itoobiyan ah

2 Cameroon

1 Mali

Sida lagu soo warramayo qaxootigan ayaa la dejindoonaa Xarunta Gaadiidka Gashora, halkaas oo dadkii kale ee la soo daadgureeyay ay ku sugan yihiin.

Dowladda Rwanda, Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR), iyo Midowga Afrika ayaa ka shaqeeyay in la sameeyo goob kumeel gaar ah oo loogu talo galay qaxootiga lagasoo celiyo dalalka kale.

Tan iyo sanadkii 2019-kii, dowladda Rwanda waxay martigelisay in ka badan 1,600 qaxooti magangalyo doon ah.

Muddadaas UNHCR waxay ka shaqaynaysay sidii ay xal ugu heli lahayd dadkan. xalkaas waxaa ka mid ah in dib loogu celinayo dalalkoodii, ama suurta-galnimada in ay ku sii nagaadaan dalka Rwanda.

Ugu dambeyn, afhayeenka UNHCR ee Rwanda, Lilly Carlisle, warbixin ay siisay The New Times bishii April ee sanadkan ayaa muujisay rabitaanka hay’adda ee ah in la kordhiyo heshiiska daad guraynta qaxootiga iyo magangalyo doonka la geynayo dalka Ruwanda.

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com