Muqdisho (CKG) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya, qaraxyo xooggan oo caawa jugtiisa aad looga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, xilli ay dadku badi ay afurayeen, maadaama ay maanta oo dhan ay Soonaayeen.
Wararka ay helayso Warbaahinta CKG ayaa shegaya, in degmooyinka Wadajir, Xamarweyne iyo Shangani si aad ah looga maqlay jugta qaraxyadaasi, iyadoo dadka shacabka ah ee degmooyinkaas ku nool ay dareemeen cabsi aad u weyn.
War kasoo baay taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegaya, in jugta qaraxyada ay maqleen aysan cidi wax ku noqon.
‘‘Waxaan ku wargalineynaa Shacabka ku nool Caasimada Muqdisho, inay san wax khasaara ah aysan geysan dhawaqa ay maqlayeen, waxayna ahaayeen Qaraxyo dheemish ah oo ay cadawga ummadda Soomaaliyeed ku qal qalgalinayeen ummada muslimiinta ah xilliga afurka, waana la ga hortagay qeyb ka mid ah ayagoon Qarxin‘‘ ayaa lagu yiri warka ka soo baxay taliska booliska gobolka Banaadir.
Laamaha amniga Soomaaliga ayaa dhowr jeer hore sidaan oo kale shaaciyay, in qaraxyo jugtooda aad looga maqlay guud ahaan Caasimadda Muqdisho, ay ahaayeen dheemis ay soo tuureen Ururuka Al-Shabaab.
CodkaKoonfurGalbeed.com