Home » Qaraxyo iyo rasaas lagu weeraray Hotel ku yaalla Xeebta Liida ee Muqdisho

Qaraxyo iyo rasaas lagu weeraray Hotel ku yaalla Xeebta Liida ee Muqdisho

by CKG Editor

Muqdisho (CKG) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya, in qarax iyo rasaas xooggan caawa laga maqlay aaga xeebta Liido, halkaasi oo la soo warrinayo in lagu weeraray Hotel ku yaalla.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyada, waxaana wararka la helay ay sheegayaan in la weeraray Hotel lagu Magacaabo Pearl Beach, kaas oo horay loo aqoon jiray Ocean View.

Warar ay heleyso Warbaahinta CodkaKoonfurGalbeed.com ayaa sheegaya, in qaraxa kadib rag hubeysan ay gudaha u galeen Hotel ku yaalla aaga Xeebta Liido, walow aan si dhab ah loo xaqiijin karin.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in la maqlayo rasaas xooggan oo aaga qaraxa ka dhacay ka socota.

Weli wax war ah kama soo bixin laamaha ammaanka oo ku saabsan qaraxa iyo weerarka isla socda, iyo khasaaraha ka dhashay.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco CodkaKoonfurGalbeed.com

CodkaKoonfurGalbeed.com

You may also like

Leave a Comment

About Us

CKG, is an independent media outlet that reports reliable news and information on Somalia, quotes and also daily events of the region.

Contact us

Copyright © 2024 CodkaKoonfurGalbeed.com All Rights Reserved. | Developed by KaDiiL Tech
The Real News Network
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com