Kenya (CKG) – Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Lamu ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday gaari ay leeyihiin Ciidamada Kenya, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya, in qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso uu ka dhacay inta u dhaxaysa deegaannada Kiyuunga iyo Shangaani oo ka tirsan Magaalada Laamu, isla markaana lala beegsaday gaari Ciidan oo ay saarnaayeen Ciidamo katirsan kuwa Kenya.
Gaariga la qarxiyay oo ka baxay deegaanka Kiyuunga ayaa kusii wajahnaa deegaanka Shangaani, waxaana la sheegay in qaar kamid ah Askarta Kenyanka ah ay qaraxa dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen.
Sarkaal u hadlay Ciidamada Kenya ayaa xaqiijiyay qaraxaas, balse faah faahin dheeraad ah kama bixin khasaaraha ka dhashay.
Waxaa mar walba gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya ka dhaca qaraxyo miino iyo weerarro toos ah oo lala beegsado Ciidamada Kenya, waxaana mas’uuliyadooda sheegta Argagixisada Al-Shabaab.
CodkaKoonfurGalbeed.com